Google search engine
HomeWararka Maanta5 Soomaali burcad badeed ah ayaa xabsiga la dhigay, 1 kalana isbitaalada...

5 Soomaali burcad badeed ah ayaa xabsiga la dhigay, 1 kalana isbitaalada Seychelles

Sahan media Muqdisho: Maxkamadda Sare ee Seychelles ayaa xabsi ku xukuntay shan ka mid ah lix qof oo looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah muddo 14 maalmood ah, sida ay booliisku sheegeen Arbacadii.

Sida laga soo xigtay wargaysyada Seychelles “Lix looga shakisan yahay burcad-badeednimo oo ku lug lahaa weerar lagu qaaday jasiiradaha Marshall markab ka diiwaan gashan Chrystal Arctic 10-kii May ayaa lagu wareejiyay maamulka Seychelles si loo maxkamadeeyo.”

Lixda qof ee looga shakisan yahay budhcad-badeednimada ayaa 14-kii bishan May lagu wareejiyay maamulka Seychelles, waxaana gacanta ku haya ciidamada EU NAVFOR ee hawlgalka ATALANTA, ayay raacisay adeegga wararka.

Warbaahinta Seychelles ayaa sheegtay in ciidamada EU NAVFOR ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in “Howlgalka ATALANTA uu heshiisyo sharci ah la leeyahay dalal kala duwan oo ka tirsan qeybta howlgallada, waxaana ka mid ah Seychelles, kaasoo u ogolaanaya in maxkamad la soo taago dadka looga shakisan yahay burcad-badeedda ee ay qabtaan maraakiibta dagaalka ee howlgalka ku biiraya. “

Booliska Seychelles ayaa sheegay in tuhmanayaasha ay da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 40 sano, waxaana saddex ka mid ah dadkaasi loo qaaday isbitaalka si loo dabiibo dhaawacyada ka soo gaaray jirkooda.

Sida ay booliisku sheegeen, mid ka mid ah dadka Soomaalida ah oo 20-jir ah ayaa Axaddii lasoo dhaafay diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Isbaanishka loo qaaday Seychelles, waxaana la dhigay isbitaalka Seychelles oo lagu daweynayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments