Google search engine
HomeWararka MaantaGudoomiye Aadan Madoobe muxuu kala hadlay taliyayaasha ciidamada?

Gudoomiye Aadan Madoobe muxuu kala hadlay taliyayaasha ciidamada?

Sahan media Muqdisho: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu horreyn warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-sida oo guulo waaweyn ka soo hooyay la dagaalanka Khawaarijta iyo sugida amniga guud ee dalka, waxaana kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha amniga guud ee dalka iyo ka hortaga dhagarta Khawaariijta.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee bulshada dhexdeeda ka soo cusboonaaaday, iyadoo Taliyaha Boolisku ka warbixiyay kiisas dil ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa talisyada Ciidamada Qalabka-sida gaar ahaan taliska Booliiska Soomaaliyeed waxa uu ku amray in arxan laawayaashii geystay falalkaan ka baxsan diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo bini’aadanimadaba lasoo qabto goob walba oo ay ku sugan yihiin, isla-markaana la horkeeno cadaaladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments