Google search engine
HomeWararka MaantaQaybtii sedexaad ee ciidamada Atmis oo ka baxaya Soomaaliya

Qaybtii sedexaad ee ciidamada Atmis oo ka baxaya Soomaaliya

Sahan media Muqdisho: Wafdiga uu hogaaminayay, Alhaji Sarjoh Bah, oo ah madaxa Gudiga Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka dhici doonin wax firaaq dhanka ammaanka ah, iyadoo loo diyaar garoobayo wajiga saddexaad ee dhimista 4,000 oo askari oo kale ilaa Juun ee sanadkan.

Wafdiga Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay booqasho shaqo shan maalmood qaadatay ayaa intii ay joogeen caasimada Soomaaliya  u kuurgalay dhameystirka xilliga kala guurka ee ammaanka dalka dhammaadka 2024-ka.

Ujeeddada booqashada wafdiga waxay ahayd in ay qeexaan qaababka aan kala go’a lahayn oo mas’uuliyada amniga loogala wareegayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) looguna wareejinayo ciidamada Soomaaliya.

Intii ay shirarku socdeen waxay waftigu dib u milicsadeen casharadii laga bartay labada waji ee 1aad iyo 2-aad iyo wejiga sadexaad ee soo socda bisha June, kaas oo lagu wado in la dhimo 4,000 oo askari, iyo wajiga ugu danbeeya oo lagu soo afjarayo joogitaanka Atmis oo ku eg bisha December 31, 2024.

Wafdiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale la kulmay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, saaxiibada caalamiga ah, danjirayaasha dalalka ciidamada ka jooga Atmis, iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah.

Madaxda booqashada ku timid Muqdisho ayaa warbixin u gudbin doona golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo ku wareejin doono Dukumeenti qeexaya halbeegyada iyo qaabeynta amniga Soomaaliya ka dib bixitaanka Atmis.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments