Google search engine
HomeWararka DibaddaMaxaa sababay afduubka maraakiibta ee ka soo cusboonaaday badda cas?

Maxaa sababay afduubka maraakiibta ee ka soo cusboonaaday badda cas?

Sahan media Muqdisho:

Weerarada Xuutiyiinta ay ku hayaan maraakiibta ganacsi ee ku safra badda cas iyo gacanka cadmeed ayaa fursad cusub u abuurtay burcad badeedda Soomaalida oo tan iyo sanadkii 2017-kii aan geysan wax afduub ah.

Howlgalka Midowga Yurub ayaa sheegay in ay jiraan ugu yaraan laba kooxood oo burcad badeed ah oo hadda ka howlgala Bariga Badweynta Hindiya, waxaana ay adeegsanayaan Doomaha ay afduubeen si ay ugu soo qabsadaan maraakiib waaweyn. Tani waxay sare u qaaday dhaqdhaqaaqa burcad-badeedda sanadkan.

Afduubkii ugu horreeyay ayaa dhacay 22-kii Nov, markaasoo burcad-badeedda Soomaalida ay xeebaha Puntland ka afduubteen doon kalluumeysi oo lagu magacaabo Al Miraj 1 oo laga leeyahay dalka Iran, iyagoo dalbadey lacag madax-furasho ah oo dhan 400,000 oo dollar.

4-tii bishii hore, burcad-badeed Soomaali ah ayaa isku dayay inay ka afduubtaan markabka weyn meel u dhow degmada Eyl, oo katirsan Puntland. Weerarka ayaan lagu guuleysan, waxaana baxsaday kooxihii burcada.

Maraakiib kalluumaysi oo yaryar oo badan ayaa la afduubay intii lagu jiray bisha January;  waxaana la soo badbaadiyay maraakiibta iyo shaqaalaha la socday oo inta badan Pakistan u dhashay ciidamada badda Hindiya iyo siishilis.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments