HomeWararka MaantaCiidamo cusub oo AUSSOM ah ayaa soo gaaray Soomaaliya

Ciidamo cusub oo AUSSOM ah ayaa soo gaaray Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa soo dhoweeyay ciidamo cusub oo ka tirsan guutada 48-aad, kuwaas oo beddelaya guutada 45-aad ee ka howlgasha Soomaaliya.

Ciidamadan cusub oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Sare Michael Opio Ocuka ayaa qeyb ka noqonaya isbeddelka joogtada ah ee lagu sameeyo cutubyada ciidamada Uganda ee loo soo diro Soomaaliya.

Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada, Sarreeye Guuto Jackson Kayanja, ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay inay muujiyaan anshax, xirfad ciidan iyo feejignaan inta ay ku guda jiraan waajibaadkooda.

Wuxuu sheegay in anshaxa shaqsiga ahi uu saldhig u yahay guusha askariga, isaga oo ku boorriyay inay ixtiraamaan silsiladda taliska, ilaaliyaan wadajirka ciidamada, isla markaana ay yeeshaan anshax ku dhisan garasho iyo masuuliyad.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo dadaalka joogtada ah ee ciidamada, isaga oo xusay in arrimahaasi ay door muhiim ah ka ciyaarayaan ka hortagga khatarta kooxda Al-Shabaab.

Dhankiisa, taliye ku-xigeenka qeybta koowaad, Gaashaanle Sare Jude Rukubya, ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay inay la qabsadaan xaaladaha amni iyo deegaanka howlgallada Soomaaliya, isla markaana ay wax ka bartaan askarta kale si ay si wadajir ah ugu gutaan waajibaadka loo igmaday.

Saraakiisha ciidamada Uganda ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay mabda’a midnimada Afrika iyo fahamka ujeeddooyinka howlgalka AUSSOM, oo taageera dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Isbeddelka guutooyinka ayaa qeyb ka ah habraaca joogtada ah ee ciidamada Uganda ay ku cusbooneysiiyaan cutubyada ka howlgala Soomaaliya, iyaga oo sii wada taageerada howlgalka Midowga Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments