Sahan media Muqdisho:
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay ku guuleysteen soo qabashadda eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud kaasoo loo haysto dilka xaaskiisa.
Sayid-Cali ayaa waxa uu ku eedeysan yahay in uu nolosha ku gubay marwadiisa oo uur lahayd Marxuumad Luul Shiikh Cabdicasiis 26 Jan 2024.
“Howlgalkaan oo ahaa mid wadajir aha ayaa waxaa ka qeybqaatay Boliiska, Nisa, Difaaca Shacabka ee Degmooyinka Cadaado iyo Wisil. Howlgalka waxaa ku soo biiray Ciidanka Ilaalda Madaxtooyada Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliska.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku howlanaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud, kaas oo 26 Jan 2024 Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku gubay Xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi una geeriyootay gabushadaas maanta 05 Feb 2024 ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaaladda ka baxsado.
Howlgalkaan oo ahaa mid wadajir ah ayaa waxaa ka qeybqaatay Boliiska, Nisa, Difaaca Shacabka ee Degmooyinka Cadaado iyo Wisil. Howlgalka waxaa ku soo biiray Ciidanka Ilaalda Madaxtooyada Galmudug.
Eedeysanayaashaan ayaa gacan ku siiyay eedeysanaha 1-aad inuu ku dhuumaalysato dhul balaaran ee isku xira Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Halkaas , oo ay suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo xili ay ku sugnaayeen deegaanka Cadayleey.
Eedeysanayaasha kala ah Ingriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa’uud(Caluuke), ayaa laga soo qabatay deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Wisil ee Gobolka Mudug xili ay ku howlanaayeen fududeynta baxsashada eedeysane Sayid-cali oo la qorsheeynayay inuu doon ku baxsado markale.