Google search engine
HomeWararka MaantaCabdisamad Ibraahin Nageeye ku soo dhawoow Muqdisho

Cabdisamad Ibraahin Nageeye ku soo dhawoow Muqdisho

Sahan media Muqdisho: Madaxaweynaha maamulka aan wali aqoonsiga helin ee Awdal State Cabdisamad Ibraahim Nageeye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu dalka ku yimid casuumaad uu ka helay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Cabdisamad ayaa sheegay in uu dowladda ka helay ballaan qaad ah in ay garab isataagi doonto Shacabka Awdal, si ay uga hortagto damaca Itoobiya ay ku doonayso qeyb ka mida badda Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray: “Haddii Itoobiya ay qabsato gobolka Awdal, waxay qaadan doontaa Hargaysa, waxay qaadan doontaa Garoowe, waxay qaadan doontaa Muqdisho, waxayna ku darsan doontaa Jabuuti”.

Proff. Cabdisamad ayaa bogaadiyay tallaabooyinka uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ka dhanka ah heshiis beenaadkii ay wada gaareen Itoobiya & maamulka Somaliland.

“Wuxuu caddeeyay [Madaxweeyne Xasan Sheekh] in aan taako ka mid ah dhulka Soomaaliya la qaadan karin, lana difaaci doono, taasi oo aan filayo in 80% hoos u dhigtay damaca Itoobiya.” ayuu yiri Proff Cabdisamid.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay bulshada Soomaaliyeed u diyaariso dagaal, isla markaana dadka deegaanka ay ka caawiyaan sidii ay dagaalka u bilaabi lahaayeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments