Google search engine
HomeWararka MaantaHeshiis dhinaca difaaca ah oo ay kala saxiixdeen Somalia iyo Turkiga

Heshiis dhinaca difaaca ah oo ay kala saxiixdeen Somalia iyo Turkiga

Sahan media Muqdisho: Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta heshiis cusub oo taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Heeshiiskan ayaa taabanaya dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka.

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka difaaca, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo booqasho ku tegay magaalada Istanbul, kaas oo la kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirrada Difaaca Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday Heshiis muhiim ah oo ku saabsan Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ka dib booqasho rasmi ah oo uu dalka Turkiga ku tagay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxaxed Nuur” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ujeedka heshiiskan ayaa ah mid sare loogu sii qaadayo iskaashiga labada dal oo hadda ah mid xooggan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments