Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxweyne Xasan oo tacsi ugu tagay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan oo tacsi ugu tagay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay galab waxa uu booqday xarunta Safaraadda Imaaraatka Carabta ee magaala madaxda Muqdisho.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa “kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi”.

“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha,” ayaa la raaciyay. Is-araggan wuxuu daba socdaa toogashaddi maqribnimadii 10-ka Febraayo, 2024 ka dhacdey Saldhiga General Gordan ee Muqdisho halkaasoo saraakiil Imaaraati ah lagu dilay.

Dhacdadan lagu dilay saddexda askari ee u dhashay Imaaraadka iyo mid kasoo jeeda Bahraine ayaa daaha ka qaaday inuu wali jiro isku-milan iyo xiriir Al-Shabaab ku leedahay gudaha dowladda Soomaaliya oo meelaha ay galayaan u fududeeya.

Dowladda waxaa looga bartay inay iska indha tirto waxyeelada weerarada noocan ah, kuwaasoo khatartooda wata, islamarkaana sababi kara in aysan dowladaha saaxiibada caalamka aysan ku kalsoonaan askarta ay tababaraan.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in habka qorista askarta uu hareeyay habacsanaan, musuq-maasuq iyo hab ku dhisan qabiil. Inta badan waxaa askarta tababarka loo qaado damiin ka noqda Xildhibaanada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments