Google search engine
HomeWararka DibaddaWaa kuma safiirka cusub ee dowladda Kenya u soo dirsatay Muqdisho?

Waa kuma safiirka cusub ee dowladda Kenya u soo dirsatay Muqdisho?

Sahan media Muqdisho: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ahna kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, ayaa nuqullo kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka gudoomay Safiirka cusub ee Kenya u fadhin doona Soomaaliya mudane Cyprian Kubai Iringo.

Danjire Cyprian Iringo oo horey u ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo ganacsiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments