Sahan media Muqdisho: Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Africa, kaddib marki ay 2-1 uga badiyeen xulka Nigeria, ciyaartii kama danbeysta aheyd ee ka dhacday garoonka Al-Xasan Wattaara ee magaalada Abidjan (Ivory Coast).
Goolka guusha waxaa Ivory Coast u saxiixay Sebastien Haller ciyaarta oo ay dhammaadkeeda ka dhinneyd 9 daqiiqo. Sidaasi ayayna Xulka Maroodiyaasha ku hanteen koobki saddexaad ee Africa.
Nigeria ayaa goolka la hormartay qeybti hore ee ciyaarta, waxaana madax ugu dhaliyay William Troost-Ekong, kaddib marki uu ka faa’iiday kubad uu u soo tuuray Samuel Chukwueze.
Hase yeeshee marti-geliyaasha tartanka ayaa ka daba-tagay, kaddib marki uu goolka barbarraha uu u dhaliyay laacibki hore ee AC Milan Franck Kessie.
Ivory Coast waxay noqotay dalki ugu horreeyay oo isaga oo martigelinaya koobka qaada, tan iyo sannadki 2006-di, markaas oo ay Masar martigelisay kaddibna koobka ku guuleysatay.