Meydka ayaa la gaarsiiyay magaalada Abu-Dhabi, waxaana kamid ahaa afartii kale ee geeriyooday, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ah inay tababaraan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
General Issa Saif Al Mazrouei, oo ah madaxa guud ee ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka Carabta, ayaa ku tukaday salaadda janaasada meydka shahiid Mohamed Al Shamsi, ka dib salaadii Casarka masjidka Al Mutawa ee magaalada Al Ain.
Tukashada salaadda janaasada waxaa garab taagnaa Sarreeye Guud Al Mazrouei iyo saraakiil dhowr ah oo ka kala tirsan Ciidamada Qalabka Sida,Booliska iyo tiro muwaadiniin ah.
Sidoo kale Meydka Marxuun Maxamed Al Shamsi ayaa saaka kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi, isagoo ka mid ah meydadka afartii shahiid ee Imaaraadka Carabta ee geeriyooday iyagoo gudanaya waajibaadkooda ah inay tababaraan iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah heshiis laba geesood ah. Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku dhex jira iskaashiga milatari ee labada dal.