Google search engine
HomeSportWiil iyo aabihiis oo labada a u ciyaaray xulalka qaranka Somalia iyo...

Wiil iyo aabihiis oo labada a u ciyaaray xulalka qaranka Somalia iyo Qadar

Sahan media Muqdisho: Akram Xasan Cafiif oo 25 jir ah waxaa uu ka mid yahay ciyaartoyda xirfadda sare leh ee sida weyn guusha Qatar u gaarsiiyay markii labaad oo xiriir ah in ay ku guuleeystaan koobka horyaallada Aasiya.

Waxa uu lambarka 10-aad uga ciyaaraa xulka qaranka ee waddanka Qatar, isagoo kaalin mug lehna ka qaatay guulihii at Qatar ka gaartay tartanka koobka Aasiya.

Wuxuu weerarka uga ciyaaraa kooxda Al Sadd, isagoo qaab amaah ah uga soo tagay kooxdiisa Villarreal ee ka dhisan dalka Spain.

Akram waxaa dhalay Xasan Cafiif oo ah ciyaartoy Soomaali ah oo horay uga tirsanaan jiray xulkii qaranka Soomaaliya ee bari samaadkii.

Akram Cafiif ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku dhashay 18-kii bishii Nofembar ee sannadkii 1996-kii.

Markii ay ciyaartu dhammaatay ayuu Cafiif soo baxay, wuxuuna soo af-jaray khilaafkii ka dhashay warqadda siyaabo kala duwan loo fasiray, isagoo sheegay inay tahay xarafka ugu horreeyay ee magaca xaaskiisa oo u dhalatay dalka Kuwait oo markii ugu horreysay garoonka ka daawanaysay ciyaarta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments