Google search engine
HomeWararka MaantaShirka wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Ururka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya...

Shirka wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Ururka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Addis-ababa

Sahan media Muqdisho: Wafdigan tagay Itobiya ayaa waxaa horkacaya wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda, ahna ku simaha wasiirka, Xildhibaaan  Cali Maxamed Cumar (cali Balcad), ayada oo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.

Ujeedka ayaa ah sidii uu uga qayb-geli lahaa shirka 44-aad ee Ururka Midowga Afrika uga furmaya magaalada Addis-ababa, kaas oo looga hadli doona xaaladda guud ee gobolka iyo sidii loo wajihi lahaa caqabadaha jira.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirkan lagu soo qaado xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo si weyn loo dareemay.

Dhanka kale, wasiir Cali Balcad oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in damaca Itoobiya uu la mid yahay waddan heshiis la galay gobol dal kale, ayna jirin cid ku garab istaageyso gardarrada ay waddo.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in dowladda federaalka  Soomaaliya ay qaadi doonto hadba tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta oo jawaab u ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments