Sahan media Muqdisho: Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay qorshaha booqashada madaxweynaha Masar uu ku imaanayo Soomaaliya.
Sarkaalkan oo codsaday inaan magaciisa la baahin waxuu intaa ku daray in wafdi hordhac u ah safarka madaxweyne AlSiisi ay yimaadeen Muqdisho labo mar oo kala duwan oo dhammaadka toddobaadkii hore ah.
Wafdigaas oo isugu jira saraakiil amni iyo dublumaasiyiin sare ayaa kooxdii ugu horreysay ay yimaadeen Muqdisho sabtidii oo ah maalinkii askari hubeysan oo la la xiriirinayo Shabaab uu weerar ka geystay xero ciidan oo ku taal Muqdisho.
Xeradaas oo Gordan la yiraahdo waxay xarun u tahay ciidamada Soomaaliya ee ay sida gaarka ah u tababarto dowladda Imaaraatka, iyada oo weerarkaas lagu dilay saraakiil sar sare oo Imaaraat ah.
Kooxda labaad ee wafdiga ayaa yimid maalinkii xigay oo axad ahayd, sida uu inoo xaqiijiyay sarkaalka sare ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya.
Labada wafdi ba waxay hadda dib ugu noqdeen Masar, iyada oo uu weli socda qorshaha safarka madaxweyne Siisii uu ku imaanayo Soomaaliya hadana wali lama cayimin waqti go’an.
Waxaan wali jira khilaafkii xoogganaa ee oo u dhaxeeyay Masar iyo Itoobiya, sidaas oo kale waxaa jira khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee arrimaha heshiis beenaadka badda, taas ayaa soo dadajisay, imaanshaha Al-Sisi ee Muqdisho.
Masar fursad wayn ayay u aragtaa xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxayna doonaysaa in aysan lumin fursadaas.