Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalkiisu “is difaaci doono” haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiska ay ku doonayso inay saldhig ciidan uga samaysato qayb kamid ah dhulka Soomaaliya ama halka Itoobiya haatan ay dooneyso ee dhul ahaan ku taalla jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, isla markaana ay suurtogal tahay in ay u aqoonsato dhulkaas dal madax bannaan.
Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii bishii Jannaayo heshiis is-afgarad ah ku gashay in 20 km oo xeebta ah laga kireeyo waana Somaliland oo ah dhul ay Soomaaliya sheegtay in ay leedahay, inkasta oo Somaliland ay sheegtay in ay Soomaaliya ka madax bannaantahay tan iyo 1991-kii.
Itoobiya waxay sheegtay inay doonayso inay saldhig ciidan ka samaysato halkaas, waxaanay soo bandhigtay suurtogalnimada aqoonsiga Somaliland oo ay ku beddelato, taas oo keentay in Soomaaliya ay ku jawaabto diidmo iyo baqdin ay ka qabto in heshiiskaasi uu nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika xumeyn karo.
“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato, Soomaaliya way iska caabbin doontaa, wayna diidi doontaa,” ayuu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters oo wareysi uu ku siiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho oo ah mid ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.
“Haddii ay dalka soo galaan, Soomaaliya waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto,” ayuu sii raaciyay. Ma uusan sii faah-faahin tallaabada ay Soomaaliya qaadi karto. Geeska Afrika waxa soo maray colaado soo noqnoqday, kuwaas oo sababayey dhibaatooyinka bini’aadantinimo gaar ahaanna meelaha u nugul abaaraha. Itoobiya iyo Soomaaliya oo daris ah ayaa horay ugu dagaallamay dhul 1977-1978-dii iyo 1982kii.
Itoobiya haatan waxa ay alaabeheeda kalasoo degtaa dekedda Jabuuti oo ay isticmaaleysay tan iyo markii ay kala guureen Eritrea. Jabuuti waa waddan yar oo Afrikaan ah isla markaana marin u ah kanaalka Suez, oo ah mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka. Dekeddeeda waa dhuunta dhaqaalaheeda, taasoo bixisa isha ugu weyn ee dhaqaale iyo shaqo ee dal kale oo aan bad lahayn.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in uusan ka fikireynin in uu dalka ka eryo ku dhawaad 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan ayaa Reuters u sheegay in qiyaasaha dowladdiisa ay muujinayso in al-Shabaab ay qorteen inta u dhexeysa 6,000 ilaa 8,000 oo dagaalyahanno cusub ah bishii Jannaayo oo keliya.