Sahan media Muqdisho: ka dib heshiiskii Turkiga iyo Somalia ee dhinaca badda waxaa soo badanaya heshiisyo ay wadamada dariska la ah Somaliya ay la galayaan wadamo awood leh, taas waxaa ka mid ah heshiiska Dowladaha Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska ay Jimcihii kala saxiixdeen is-afgarad ciwaankiisu yahay “Horumarinta Nabadda iyo Xasiloonida Xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ¡yo Itoobiya”.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya (MFAE) ayaa sheegtay in “ujeedku yahay in kor loo qaado adkeysiga bulshooyinka ku nool xuduudda Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya si ay uga hortagaan xagjirnimada rabshadaha wata.”
Heshiisku waxa uu ahaa mid maqaam hoose loo saxiixay kana duwan kii ay Itoobiya iyo Somaliland wada saxeexdeen wallow ay ka dhalatay cambaareyn aad u xooggan.
Dhinaca Itoobiya waxa heshiiskan u saxeexay Ambassador Jemaludin oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda.
Dhinaca dawladda UK, danjire Darren Welch, safirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, ayaa uga saxeexay “xaflad ka dhacday dismaha wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya”.
Waxay u muuqataa in heshiiska amniga xuduudka lagu saxiixay xaalad khatar ah oo ka imanaysa Al-Shabab balse Kenya ayaan qayb ka ahayn heshiiskan MoU.
Iyadoo heshiisku uu quseeyo”Xuduudda Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya”, Kenya dhinac kamay ahayn.
Si kastaba ha ahaatee, Kenya waxay heshiis la saxiixatay Itoobiya toddobaadkan. Soomaaliyana kuma jirto heshiiska.
Horraantii bishan, ugu yaraan lix qof oo Itoobiyaan ah ayaa lagu dilay magaalada xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ee Balad Xaawo, una muuqatay aargoosi ka dhan ah is-afgaradka dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.