Sahan media Muqdisho: Safiirka Suudaan u fadhiya dalka Faransiiska Dr. Khaled Faarax ayaa wax lala yaabo iyo cambaareyn ku tilmaamay ka baaqashada dowladdiisa shirka ka dhacaya magaalada Paris ee diiradda lagu saarayo xaaladda dalkiisa.
Munaasabadan oo ka dhici doonta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska maalinta Isniinta ah, ayaa waxaa qabanqaabadiisa iska kaashanaya Jarmalka iyo Midowga Yurub, iyadoo aysan jirin cid rasmi ah oo Suudaan ka socota.
“Shirku wuxuu ka hadlayaa arrin qusaysa dal madax-bannaan. Waxa loo habeeyey iyada oo aan lagala tashan Suudaan,” ayuu yiri isaga oo intaa ku daray in dawladda sharciga ah aan lagu martiqaadin ka qaybgalka heer kasta.
Faarax waxa uu tilmaamay in Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay si bareer ah u joogi doonaan oo ay si adag uga qayb-geli doonaan shirkan, iyaga oo adeegsanaya asxaabta siyaasadda iyo dadka taageersan… sida kuwa loogu yeero Dimuqraadiga iyo Ciidamada Madaniga ah (Taqadum) iyo ururrada kale ee aan dowliga ahayn. , ururada bulshada rayidka ah, iyo wakiilada ururada siyaasadda qaarkood iyo shakhsiyaadka.”
Waxa uu qeylo dhaan ka muujiyey in shirka ugu dambeyntii loo isticmaali doono in lagu kobciyo RSF laguna muujiyo taageero diblomaasiyadeed iyo mid maaliyadeed “iyadoo lagu marmarsiyoonayo in laga walaacayo masiibada dadka Suudaan.”
Diblumaasiga Suudaan ayaa dhaleeceeyay in dowladdiisa lala simo “maleeshiyada Taageerada degdega ah ee fallaagada ah” – RSF – isagoo diiday qaar ka mid ah oraahyada caadiga ah ee ku sifeynaya dagaalka socda mid u dhexeeya “laba dhinac oo dagaalamaya” ama “labada dhinac ee iskahorimaadka.”
“Arrintu waa uun afgambi millatari oo dhicisoobay oo ujeeddadiisu ahayd in awoodda lala wareego, iyadoo ay taageerayaan oo ay ka qayb qaadanayaan qaar ka mid ah wadamada gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yidhi.