Google search engine
HomeWararka MaantaMaxay tahay heshiiska cusub ee ay Kenya ka dhex bilowday Somalia &...

Maxay tahay heshiiska cusub ee ay Kenya ka dhex bilowday Somalia & Itobiya?

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii kulan kula qaatay caasimadda Kenya dhiggiisa Kenya William Ruto, kaasoo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafkan.

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa Khamiistii sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, isla markaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Korir Singwe oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in heshiiska ay soo jeedisay Kenya oo la tashanaya Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi.

Wuxuu intaas ku daray in haddii xalka Nairobi la aqbalo, ay Itoobiya siin doonto “helitaanka kheyraadka badda oo xasilloon oo la saadaalin karo” si ay ganacsigeeda u wadato si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments