Sahan media Muqdisho: Warbaahinta Dalka Bangaaladesh ayaa xaqiijissy in la sii daayay MV ABDULLAH.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dhamaan 23kii badmaax ee markabka saarnaa sidoo kale la sii daayay xilli danbe oo habeenimadii axada ahayd.
Laanta EUNAVFOR ATALANTA STRATCOM ee ciidamada badda Midowga Yurub ee ku sugan galbeedka badweynta Hindiya ayaa xaqiijiyay in markabka la sii daayay.
Burcad baddeeda markabka gacanta ku hayey ayaa dhamaa ilaa afar nin sida ay horaan u sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland oo deeggaanadooda markabka lagu haystay.
Markabka MV Abdullah ayaa gacanta burcad baddeeda galay bartamihii bishii Maarso ee sanadkan markii kooxdu ay markabka ka soo qafaasheen biyaha caalamigaa.