Google search engine
HomeWararka MaantaLugatoor oo ka hadlay kalitalisnimo

Lugatoor oo ka hadlay kalitalisnimo

Sahan media Muqdisho: Madaxweyne ku xigeenka Puntland, oo ka qeyb galay dood habeenkii xalay ka dhacay barta X ee horey loo oran jiray Twitter, ayaa sheegay, sababta dastuurka wax looga beddelay in ay tahay in meesha laga saaro awoodaha dowlad goboleedyada lana sameeyo raysalwasaare aan awood lahayn, iy baarlamaan daciif ah.

Lugatoor ayaa doodiisa ku sheegay in sastuurkii 2012 qabyo ahaa, marka qabo la dhahaayo waa dhamaystirnaa waxaa dhimanaa qodobo dhawr ah oo u baahnaa in laga heshiiyo, sida awoodaha heer federaal iyo heer dowladgoboleed, habka loo qaybsanaayo kheyraadka, maqaamka caasimadda iyo kuwo kale.

“Dastuurkaan cusub wuxuu abuurayaa nidaam (nidaam dowlad dhexe), oo awooddoo dhan ay Madaxweynaha ku urursan tahay, xitaa la yiraahdo raysal wasaaraha wuxuu lamid yahay sida wasiirka, oo waa la eryi karaa. Dalku wuxuu hadda luminayaa isku dheeli tirnaantii xukunka dalka lagu maamulayay,” ayuu yiri Lugatoor.

Puntland waxaa ka goa’an oo ay u taagan tahay, inaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya waxba ka khaldamin, in la difaaco aragtida federaalka ah, danaheeda gaarka ahna Puntland ay difaacato ayuu yiri Lugatoor.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments