Google search engine
HomeWararka MaantaGalmudug iyo Puntland oo ku baxay dagaalka lagu hoobtay

Galmudug iyo Puntland oo ku baxay dagaalka lagu hoobtay

Sahan media Muqdisho: Wasiiro katirsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa gaarey deegaamo katirsan Galbeedka gobolka Mudug oo ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux kadib dagaalo u dhexeeya malayshiyaad kala taabacsan laba beelood.

Mas’uuliyiintaan oo ka kicitimay magaalada Galkacyo ayaa shaaciyey inay ku guulaysteen xabad joojin deg deg ah oo deegaamadaasi laga hirgeliyey.

Ku dhawaad labaatan ruux ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed xooggan oo shalay dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa dib uga bilowday miyiga deegaannada Maygaag, Jiicboor iyo Ooman, xilli la qorsheynayay in halkaa la geeyo ciidan isku dhaf ah oo kala dhex gala dhinacyada dagaallamaya.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa duhurkii iskiis u joogsaday, waxaana laga cabsi qabaa inuu dib u qarxi karo maadaama labada ciidan is horfadhiyaan. Dhaawacyada ka dhashay dagaalkan waxaa la gaarsiiyay isbitaallada magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinacyada Puntland iyo Galmudug.

Weli xal waara looma helin dagaalkan soo noq noqday, waxaana shalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan ay yeesheen mas’uuliyiin ka kala socotay

Puntland iyo Galmudug. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay nabadda ka shaqeeyaan, una tanaasulaan danta guud ee shacabka deegaanka.

+

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments