Google search engine
HomeWararka MaantaMaxaa ka jira wadahadallada lala galayo Alshabaab?

Maxaa ka jira wadahadallada lala galayo Alshabaab?

Sahan media Muqdisho: La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X, ee hore loo oran jiray Twiter ku sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax wadahadallo ah la galaynin al-shabaab.

“Madaxweynaha ayaa shuruudo cad ku xiray arrintan. Waa inay gooyaan xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah, ayna aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Waa inay diyaar u yihiin inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u wataan.” ayuu qoralkiisa ku yiri Macallin. Hadaba maxaaa lagu fasiri karaa qoraalka La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin Maxamuud.

Axmed Cabdilaahi Kaboole, waa falanqeeye arrimaha ammaanka waxaa uu xusay in hadalka dowladda uu u muuqdo inay meel cad ka istaageen wadahadal ay la galaan al-shabaab iyadoo kooxdu aysan aqoonsan jiritaanka dhuleed ee Soomaaliya.

“Arrintan waa mabda’a caalamigaa ee lagu xiro marka kooxo xagjir ah ay dowladnimadda ku soo biirayaan, tan ayaa ah waxaa dowladdu sheegtay” ayuu yiri Kaboole.

Kooxda al-shababa ayaa dowladda Soomaaliya dagaal kula jiray dhowr iyo tobban sano iyadoo dagaalo qaraarna ay dhexmareen. mar wax laga waydiiyay Xidhibaan C/maan cabdi waxa uu yiri“Anniga xogta aan hayo waxaa weeye dowlada Soomaaliya markii hore way diidanayd markii ay caaboonayd ee ay al-shabaab la dagaalaysay laakiin hadda waa ogolaatay” ayuu yiri

Wuxuu intaa ku daray in haddi wadahadallo dowladdu la galayso al-shabaab in laga dhigo arrin qaran, oo laga qayb galiyaa dowlad goboleedyada iyo mucaaradka.

“Waxaan ka baqaynaa in laysku hoosaasiyo, wadahadallo argagixiso lala galay oo laysu hoosaasiyey ayaa jiray, taas ayaan ka baqaynaa sidii ku dhacday dowladdii Afqaanistaan.”

“Dowladaha Qadar iyo Norwey, waa dowladdo si caadiya u wada in lala hadlo al-shabaab, welligoodna waa wadeen xitaa dowladdii anigu an ka tirsanaa ee madaxweyne Sheekh Shariif, waa noola yimaadeen, waxayna ka shaqeeyaanba in kooxdaas lala hadlo.”ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments