Sahan media Muqdisho: Duulimaadyada ayaa hakad la geliyay mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ku yaalla caasimadda India ee New Delhi subaxnimadii jimcaha kadib shil saqafka ku soo dumay garoonka kaas oo uu ku dhintay hal qof dhowr kalena ay ku dhaawacmeen xilli roob habeen ah uu da’ay.
Saqafka Terminal Airport Delhi 1 ayaa burburay subaxnimadii maanta, dhowr rakaab ah ayaa dhaawacmay,” Wasaaradda Duulista Rayidka ee Hindiya ayaa ku qortay X.
Wasiirka duulista rayidka ee Hindiya Ram Mohan Naidu ayaa yiri: “Dhammaan howlaha samatabbixinta ee loo baahan yahay waxaa laga fulinayaa garoonka.”
Saraakiisha ayaa markii dambe xaqiijiyay in hal qof uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray dartiis saqafka sare ee garoonka oo soo dumay.
War qoraal ah oo ay soo saareen maamulka garoonka diyaaradaha ee Delhi ayaa lagu sheegay in roobab lixaad leh oo da’ayay tan iyo aroornimadii jimcaha dartii, ay burburtay qayb ka mid ah xijaabka ku yaal afaafka hore ee laga dhoofo ee Terminal Airport 1 ee Delhi.
“Dhacdadan awgeed, dhammaan ka bixista Terminal 1 si ku meel gaar ah ayaa loo hakiyay, waxaana la xiray koontaroolada laga soo galo…,” ayay tiri.
Waxay markii dambe sheegtay in dhammaan imaatinka la qorsheeyay ee Terminal 1 ay sii socdeen illaa waqtiga maxalliga ah 1030 subaxnimo (0500GMT). Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in dhammaan duullimaadyada soo degaya iyo kuwa dhoofayaba loo qoondeeyay labada terminal ee kale ee garoonka.
Caasimadda ayaa xalay waxaa ka da’ay roobab, kuwaasoo sababay ciriiriga waddooyinka iyo biyo badan oo xiray waddooyin dhowr goobood.