Google search engine
HomeWararka MaantaWasiir Cali Balcad oo la kulmay Dr. Mohammed Al Khulaifi

Wasiir Cali Balcad oo la kulmay Dr. Mohammed Al Khulaifi

Sahan media Muqdisho: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Mohammed bin Abdulaziz bin Saleh Al Khulaifi ayaa Sabtidii la kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar oo booqasho ku jooga dalka Qatar.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, iyadoo ay u dheer tahay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo arrimo badan oo khuseeya labada dal.

Mudane Dr. Al Khulaifi ayaa ku celceliyay, intii kulanka uu socday in Dowladda Qatar ay taageereyso dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo sidii horumar iyo barwaaqo loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments