Sahan media Muqdisho: Waxaa dagan xaaladda deegaanadii lagu dagallamay ee galbeedka gobalka Mudug, halkaasi oo maalmahan ay ka taagan tahay colaad beeleed ay dad badan ku dhinteen, taasi oo salka ku haysa muran dhuleed.
Dagaalka ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof iyadoo qaar kale oo badanna ay ku dhawaacmeen
Maamullada Galmudg iyo Puntland, oo ay kasoo kala jeedaan beelaha dagaalamay, ayaa wada dadaallo nabaded oo ay ku kala qaadayaan maleeshiyada qabaa’ilka ee is-horfadhiya.
Guddi wasiirro ah oo ka kala tirsan labada maamul kuwaasi oo ku baxay colaadda ayaa so saaray qodoba horudhac u ah dadaallada nabadda ay ka wadaan galbeedka gobalka Mudug.