Google search engine
HomeWararka DibaddaMali ayaa ku amartay safiirka Sweden inuu 72 saacadood gudahood uga baxo

Mali ayaa ku amartay safiirka Sweden inuu 72 saacadood gudahood uga baxo

Sahan media Muqdisho: Safiirka Sweden u fadhiya magaalada Bamako ayaa loo yeeray waxaana lagu amray in uu dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood,sababo la xiriira hadal “cadaw ah” oo ka soo yeeray wasiir ka tirsan Sweden, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mali.

Talaabadan Mali Jimcihii ayaa timid maalmo kadib markii wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta iyo ganacsiga ee Sweden Johan Forssell uu sheegay in dowladdu ay go’aansatay in ay joojiso gargaarka ay siiso Mali.

Ma taageeri kartid dagaalka sharci darrada ah ee Ruushka ee gardarrada ah ee ka dhanka ah Ukraine isla mar ahaantaana aad hesho dhowr boqol oo milyan oo krone sanad walba ah gargaarka horumarinta, “Forssell ayaa yiri Arbacadii, isaga oo faallo ka bixinaya boostada X kaas oo sheegay in Mali ay xiriirka u jartay Ukraine.

Khilaafka dublamaasiyadeed ayaa hoosta ka xariiqaya isbeddelka siyaasadeed ee ballaaran ee ka socda gobolka Saaxil iyada oo saddex dawladood oo milatarigu hoggaaminayo – Mali, Burkina Faso iyo Niger – ay ka fog yihiin xulafada reer galbeedka ee ku wajahan Ruushka.

Bishii June, xaalada ammaanka Mali oo sii xumaaneysa awgeed, Sweden ayaa ku dhawaaqday in la xirayo safaaradeeda Bamako dhamaadka sanadka 2024, waxayna sheegtay in Stockholm ay sii wadi doonto taageerada ay gobolka ka siiso Dakar, Senegal.

Iyadoo Sweden ay ciidamadeeda geysay gobolka 2022-kii si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta, Stockholm ayaa sheegtay in 220 askari ay kala bixi doonto howlgalka Mali.

“Mudooyinkii ugu dambeeyay xaalada dalka waa ay isbedeshay, balse ilaa askarigii noogu dambeeyay uu guriga joogo, waxaan sii wadeynaa howlgalada sidii caadiga ahayd,” ayay ciidamada qalabka sida ee Sweden ay sheegeen xiligaas.

Waddamada kale ee reer Yurub oo uu ku jiro Faransiisku waxay dhammeeyeen ka bixitaankooda Mali 2022-kii.

Wixii markaas ka dambeeyay Mali waxa ay u soo dhawaatay Ruushka, kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa dalkaasi ka howlgalaysay tan iyo dabayaaqadii 2021-kii, iyaga oo bedelaya ciidamada Faransiiska iyo kuwa nabad ilaalinta caalamiga ah.

Bishii Luulyo, hoggaamiyeyaasha millatariga ee Mali, Burkina Faso, iyo Niger waxay saxiixeen heshiis iskaashi oo cusub oo difaaca, iyagoo ku amaanay tallaabo “isku-dhafka weyn oo muhiim ah”.

Colonel Assimi Goita, hogaamiyaha militariga Mali, ayaa sheegay in xiriirka la xoojiyay uu la macno yahay “weerar lagu soo qaado mid naga mid ah wuxuu noqon doonaa weerar lagu qaado dhammaan xubnaha kale”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments