Sahan media Muqdisho: Masar iyo Eritrea ayaa Khamiistii muujiyay rabitaankooda ah inay sii wadaan isuduwidda iyo wadatashiyada heerar kala duwan si ay u wajahaan khataraha Geeska Afrika iyo Badda Cas iyo taageeridda amniga iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah Al-Sisi ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Badar Abdelatty iyo Madaxa Sirdoonka Guud ee Masar Major General Abbas Kamel. Intii uu socday kulanka, Sisi waxa uu warqad ka helay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, taasoo uu ku rajaynayo kor u qaadida wadatashiga iyo isku xirka arrimaha danta guud, ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyadda.
Sisi waxa uu xaqiijiyay in Masar ay aad u danaynayso inay horumariso dedaalada lagu qoto dheeraynayo xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, si ay uga faa’iidaystaan labada shacab una gaadhaan danahooda guud, iyada oo la eegayo caqabadaha isa soo taraya ee gobolka ka taagan ee u baahan in la xoojiyo wada xaajoodyada ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa.
Kulanka ayaa lagu soo qaaday xaaladda gobolka, gaar ahaan arrimaha iyo khataraha Geeska Afrika iyo Badda Cas, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Labada dal waxay xaqiijiyeen inay doonayaan inay sii wadaan isku-dubbaridka wadajirka ah iyo wada-tashiga heerar kala duwan, si loo taageero amniga iyo xasilloonida gobolka.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda Geeska Afrika ka dib markii ay Somaliland bishii January ogolaatay in 20 KM oo xeebeedkeeda ah muddo 50 sannadood ah la siiyo Addis Ababa, iyada oo loo marayo heshiis “kiro ah”. Masar iyo Soomaaliya ayaa diiday heshiiska, taasoo keentay in wasiirrada arrimaha dibadda Carabta ay shir deg deg ah isugu yimaadaan 17-ka Janaayo iyaga oo adeegsanaya shir muuqaal ah.
Somaliland oo hore u ahaan jirtay maxmiyad ingiriis ah ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse tallaabadan ayaan ahayn mid caalamku aqoonsan yahay. Xukuumadda Muqdisho ayaa sheegtay inay heshiiskan wax uga qabanayso si walba oo sharciga waafaqsan, waxayna ku tilmaantay inuu yahay “xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah madax-bannaanideeda.”
Masar waxay rabta inay sare u qaaddo iskaashiga dalalka Geeska Afrika. Bishii la soo dhaafay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa safar shaqo oo ay maamusho shirkadda EgyptAir ku tagay Jabuuti iyo Muqdisho, taasoo ahayd duulimaadkii ugu horreeyay ee Masar iyo labadan dal ee Afrikaanka ah.