Sahan media Muqdisho: Kaararka bixinta iyo habaynta Paymentology ayaa ku dhawaaqday iskaashi ay la yeelanayso Salaam Bank’s Waafi ee Soomaaliya, halkaas oo in ka badan saddex-meelood laba meel dhammaan lacagaha Soomaaliya lagu bixiyo lacagaha moobilada.
Shirkaduhu waxay iska kaashadeen soo saarista kaarka wehelka dhijitaalka ah, iyo kaarka jirka(physical cards) ee isticmaalayaasha Waafi mobile.
Waafi waa App-ka lacagta mobilada ee lagu soosaaray wadashaqeyn dhexmartay Salaam Bank, oo ah hay’ad hormuud u ah dhaqaalaha bariga Afrika ee shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom, shirkad bixisa adeega ICT-ga Soomaaliyeed ee Telesom iyo shirkadda isgaarsiinta Golis. App-ka lacagta mobaylka ee Waafi waxa uu bixiyaa isgaarsiin, madadaalo iyo hawlo lacag bixineed, isaga oo damacsan in uu horumariyo qaab nololeed dhijitaal ah iyo bulsho aan lacag caddaan ah lahayn. Waafi, waxay u muuqataa, inuu hadda isu rogay bangi dhijitaal ah oo dhamaystiran oo leh kordhinta bixinta kaarka, kaas oo hadda ka faa’iideysanaya habka bixinta Paymentology.
Wadashaqeynta summada-wadaaga ah ee mobilka gacanta ee Waafi waxay siisaa dadka isticmaala fursad ay si dhijitaal ah u furaan akoon, abuuraan kaarka Mastercard dhijitaalka ah, ku xiri karaan kaarka boorsada Wallets ama akoonka, oo ay ku bixiyaan lacag-bixinno aan xiriir la lahayn si fudud contactless
“Boorsooyinka (wallets) mobilada iyo kuwa dhijitaalka ah ayaa door muhiim ah ka ciyaara nidaamka deegaanka maaliyadeed ee Soomaaliya. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan keenno kaarka dhijitaalka ah ee ugu horreeyay Geeska Afrika, taas oo u gogol xaareysa mustaqbalka halkaas oo lacagaha dhijitaalka ah iyo kuwa aan lala xiriirin ay yihiin kuwa caadiga ah,” ayay tiri Kirsten Wortmann, Agaasimaha Gobolka ee Afrika, Paymentology.