Sahan media Muqdisho:
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa Arbacadii shalay soo dhaweeyay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, oo booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Ankara.
Diyaaraddii keentay al-Sisi iyo wafdigii la socday ee Ankara ayaa soo caga dhigatay garoonka Esenboga.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, guddoomiyaha gobolka Ankara Vasip Sahin iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku weheliyay xafladda soo dhaweynta Erdogan.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay booqashadii ugu horreysay ee aan ku imaado Jamhuuriyadda Turkiga, iyo kulanka aan la qaatay Mudane Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, iyadoo labadayada dal ee qadiimiga ah ay wadaagaan xiriir qoto dheer oo taariikhi ah oo caan ah, sidoo kale waxaa ka dhexeeya xiriir siyaasadeed oo xooggan.
“Waxaa laga yaabaa in booqashadayda maanta iyo ka hor booqashada Madaxweyne Erdogan ee Qaahira, ay ka tarjumayso rabitaanka guud ee ah in la bilaabo weji cusub oo saaxiibtinimo iyo iskaashi u dhexeeya Masar iyo Turkiga, taas oo ku saleysan doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin deegaankooda gobolka iyo kan caalamiga ah, si waafaqsan hamiga iyo rabitaanka labada shacab ee walaalaha ah,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Erdogan iyo al-Sisi ayaa intaa kadib u gudbay Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo labada hoggaamiye ay ku yeesheen kulankooda laba geesoodka ah ka dib xaflad soo dhaweyn ah.
Ka dib kulankooda laba geesoodka ah, waxa ay si wada jir ah u guddoomin doonaan shirkii ugu horeeyay ee Golaha Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee heerka sare ee labada dal.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka qeybgali doona munaasabad heshiis lagu kala saxiixday, waxaana ay si wadajir ah shir jaraa’id u qaban doonaan.
Booqashada Al-Sisi ee Turkiga ayaa ku timid casuumaad uu fidiyay Erdogan.
Erdogan ayaa bishii February booqasho ku tagay Masar, waxaana bishii August uu dalkaasi booqasho gooni ah ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan. Booqashada Al-Sisi uu ku tagay dalka Turkiga ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweynaha Masar.