Sahan media Muqdisho: Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka digay in qof kasta oo qorsheynaya inuu dalkiisa ku soo duulo inuu ka fikiro 10 jeer ka hor inta uusan sidaas samayn, sababtoo ah ayuu yiri, weerar kasta oo la soo qaado waa la iska celin doonaa.
Abiy Axmed ma uusan carra-baabin ummad gaar ah, balse wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay sare u sii kacayso xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya iyo Masar ee deriska ah. Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskii dhinaca badda ee xukuumadda Abiy ay la saxeexatay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland bishii January inuu yahay fal gardarro ah, Somalia waxay kaga jawaabtay inay xiriir millatari la yeelato Masar.
Masar ayaa ku lug lahayd khilaaf soo jiitamayay oo iyada iyo Itoobiya kala dhexeeyay, kaas oo ku saabsan go’aankii Addis Ababa ee ahaa in biyo-xireen weyn laga sameeyo marinka webiga Nile.
Waxaa lagu soo waramayaa in la qorsheynayo in ciidamo loo diro Soomaaliya ka dib markii bishii hore ay labada dowladood kala saxiixdeen heshiis milateri.
Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka oo lagu xusayay maalinta Qaranimada Itoobiya, ayuu Mr Abiy ku sheegay in dalka ku yaalla bariga Afrika uusan wax dan ah ka lahayn abuurista colaad.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu yiri “kuwa fog iyo kuwa u dhow” waa inay ogaadaan “in aan inta badan ceebeyno oo iska celinno kuwa isku dayaya inay nagu soo duulaan”.
“Qof kasta oo damacsan in uu ku duulo Itoobiya waa in aanu ka fikirin hal mar ee 10 jeer sababtoo ah hal shay oo weyn oo aan Itoobiyaanka naqaano waa [sida] aan isku difaacno,” ayuu Mr Abiy hadalkiisa ku daray.
Soomaaliya ayaa ka cadhootay go’aanka Itoobiya ee aan badda lahayn ee ay Somaliland kula heshiisay in ay hesho deked.
Xiisada gobolka ayaa cirka isku shareertay bishii hore kadib markii labo diyaaradood oo nooca C-130 ah oo laga leeyahay dalka Masar ay yimaadeen caasimada Soomaaliya si ay u xoojiyaan xiriirka labada dal.
Masar ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay Soomaaliya u soo dirto illaa 5,000 oo askari, si ay ugu biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika (AU) ee ka howlgala Soomaaliya dhamaadka sanadkan, iyadoo 5,000 oo kale si gaar ah loo geyn doono.
Ciidamo ka socda Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ku sugnaa tan iyo sanadkii 2007-dii si ay dowladda uga caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab oo ah koox Jihaadi ah oo dalka ka waday falal arxan darro ah.
Ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka ah ciidamadaasi, balse Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in sanadka soo socda ay isaga bixi doonto.
Masar ayaa dhankeeda ku eedaysay Itoobiya in ay khatar ku tahay biyaha wabiga Niil ka dib dhismihii biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (Gerd) ee woqooyiga Itoobiya ee buuralayda, halkaas oo 85% ay ka soo qulqulaan biyaha webiga Niil.
Biyo xireenka Gerd waa mashruucii ugu waynaa ee laga dhaliyo Korontada Afrika, Itoobiyana waxa ay u aragtaa in uu yahay mid muhiim u ah buuxinta baahida tamarta.