Sahan media Muqdisho: Golaha Shacbiga waxaa ka go’an inuu dhimo qoondada dakhliga ee gobollada, iyadoo la tixgalinayo dastuurka iyo talooyinka Guurtida. Talaabadani sharci darro kaliya maaha ee waa mid aan dastuuri ahayn,” ayuu yiri Odinga.
Hogaamiyaha ODM ayaa ka digay in ismariwaaga socda uu curyaamiyo howlgalada gobolka, isagoo khatar gelinaya aasaaska awood qeybsiga.
“Tani waxa ay dhigaysaa tusaale khatar ah oo si tartiib tartiib ah u caburin kara ugu dambayntiina kala furfuri kara gobollada,” ayuu raaciyay Odinga.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii guddiga dhex dhexaadinta sharciga qeybinta dakhliga (wax ka bedelka) ee sanadka 2024 ay ku heshiin waayeen qoondada 47-da gobol.
Golaha Shacbiga ayaa soo jeediyay 380 bilyan oo shilinka dalka ah, halka golaha guurtidu ay ku riixayaan in 400.1 bilyan oo shilinka dalka ah in loo qoondeeyo lana daadajinayo.
Ismari waaga ayaa dhaliyay walaac ku saabsan mustaqbalka awood qeybsiga iyo awooda Gobollada ay ugu adeegto Kenyaanka si hufan.