Sahan Media Muqdisho: Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulkaadir Cartan ayaa loo magacaabay inuu dhex-dhexaadiyo kulanka xulalka Morocco iyo Niger, kaas oo qeyb ka ah isreebreebka Koobka Qaramada Afrika ee AFCON 2027.
Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa magacaabay garsoorayaasha maamuli doona labada kulan ee isku xiga ee Morocco iyo Niger, kuwaas oo lagu ciyaari doono gudaha Morocco.
Cumar Cartan ayaa loo xilsaaray kulanka koowaad oo labada xul ay ku ciyaari doonaan garoonka Mohammed V Sports Complex ee magaalada Casablanca, 13-ka November.
Garsooraha Soomaaliyeed waxaa caawin doona Hamza Haji Abdi iyo Ali Mahamud Mahad, kuwaas oo loo magacaabay garsoorayaal kaaliye ah. Kulanka labaad ee labada xul ayaa la qorsheeyay inuu ka dhaco garoonka Prince Moulay Abdellah ee magaalada Rabat, 17-ka November, waxaana dhex-dhexaadin doona garsoore u dhashay Itoobiya, Tewodros Mitiku, oo ay wehelin doonaan laba garsoore oo kale oo Itoobiyaan ah.
Labada kulan ayaa qeyb ka ah wareegyada saddexaad iyo afraad ee isreebreebka AFCON 2027. Kulanka Casablanca ayaa bilaaban doona 8:00 fiidnimo, waqtiga maxalliga ah, iyadoo kulanka labaadna la qorsheeyay inuu isla waqtigaas bilowdo.
Xulka Morocco ayaa hoggaaminaya Group A, kaddib markii uu guulo ka gaaray Gabon iyo Lesotho bishii September. Laba guulood oo uu ka helo Niger ayaa sii xoojin kara hoggaankiisa iyo rajadiisa u soo bixitaanka tartanka.
Magacaabista Cumar Cartan ayaa fursad kale u ah garsooraha Soomaaliyeed inuu ka dhex muuqdo tartamada heerka qaaradeed, isaga oo loo igmaday maamulidda kulan muhiim u ah isreebreebka koobka ugu weyn ee xulalka qaranka Afrika.


