Google search engine
HomeWararka MaantaSafiir Abdinur Dahir Fidow oo laga gudoomay warqadii Aqoonsiga

Safiir Abdinur Dahir Fidow oo laga gudoomay warqadii Aqoonsiga

Sahan Media Muqdisho: Intii uu socday kulanka Talaadadii, Danjire Fiidow ayaa warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay madaxweyne Aliyev wuxuuna ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo u gudbiyay salaan uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Aliyev ayaa ka hadlay booqashadii rasmiga ahayd ee uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalka Asarbayjan sanadkii hore, taasoo uu sheegay in ay bog cusub u furtay xiriirka labada dal, waxa uu xusay in booqashadiisa ay ka wada hadleen arrimo wax ku ool ah oo ku saabsan iskaashiga, isla markaana ay ka soo baxeen heshiisyo dhowr ah oo looga gol leeyahay in lagu ballaariyo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay xiriirka siyaasadeed ee labada dal, waxaana uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha, isagoo u rajeeyay safiirka inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday.

Danjire Fiidow ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu xilka ka qabto magaalada Baku, wuxuuna ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Asarbayjaan.

Labada dhinacba waxay muujiyeen iskaashi guul ah oo ku dhisan qaabab laba geesood ah iyo mid dhinacyo badan leh, oo ay ku jiraan dhinaca ururada caalamiga ah, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda xiriirro heer sare ah oo dhowaanahan la sameeyay iyo kullano is-dhaafsi ah oo kordhay.

Waxayna xuseen in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo qaybaha kale.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay socdaan howlaha ku saabsan hirgelinta nidaamka adeegga ASAN ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo heshiiskii la saxiixay markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqday Asarbayjaan.

Aliyev iyo danjiraha ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga dhanka sayniska iyo waxbarashada, isagoo xusay in tiro badan oo arday Soomaaliyeed ah ay wax ku soo barteen dalka Asarbayjaan xilligii Midowga Soofiyeeti, dhaqankaas oo maanta socda. Waxayna xuseen in arday Soomaaliyeed ay hadda wax ku bartaan dalka Asarbayjaan oo ay wax ku bartaan barnaamijka Heydar Aliyev Scholarship.

Dhinacyada ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo kale oo la xiriira danaha labada dhinac.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments