Google search engine
HomeWararka MaantaFarmaajo: Somalia waxay ku socotaa marxalad halis ah

Farmaajo: Somalia waxay ku socotaa marxalad halis ah

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna sheegay in dhammaadka muddada barlamaanku uu muujinayo xaalad adag.

War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Faramaajo ayuu ku sheegay “Soomaaliya waxa ay gashay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada, taas oo ay aasaas u tahay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka”.

Dhanka kalena, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa yiri,“Muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka ayaa si rasmi ah u dhammaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Abriil 2026… Sidoo kale, waxaa ka harsan muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha, 31 maalmood oo keliya. Marxaladdan xasaasiga ah waxay u baahan tahay in si deg-deg ah looga shaqeeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseeda doorasho hufan.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments