Sahan Media Muqdisho: War-murtiyeed ay soo wada saareen wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar; Dawladda Kuwait; Boqortooyada Sacuudiga; Jamhuuriyadda Carabta ee Masar; Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Jamhuuriyadda Suudaan; Dalka Liibiya; Jamhuuriyadda Dadka ee Bangladesh; Dadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Algeria; Dawladda Falastiin; Jamhuuriyadda Turkiga; Jamhuuriyadda Indonesia; Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan; Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania; Boqortooyadii Haashim ee Urdun; iyo Saldanada Cumaan waxay si adag u cambaareeyeen magacaabista ergayga diblomaasiyadeed ee Israa’iil u soo magacawday gobolka ka tirsan Somalia ee Somaliland, iyagoo u arkay inay tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirradu waxay ku celceliyeen inay si cad u diiddan yihiin dhammaan ficillada hal dhinac ah ee wax u dhimaya midnimada iyo madax-bannaanida Somalia, iyagoo carrabka ku adkeeyay inay si hagar la’aan ah u taageersan yihiin midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka geyiga Soomaaliya, iyo taageerada ay u hayaan hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliyeed oo ah kuwa keliya ee metelaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirada ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in falalka noocaan oo kale ah ay si cad u jebinayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga dastuuriga ah ee Midowga Afrika, ayna ka dhigan tahay tusaale halis ah oo wiiqi kara xasiloonida gobolka Geeska Afrika, taasoo saameyn taban ku yeelanaysa nabadda iyo amniga gobolka guud ahaan.


