Sahan Media Muqdisho: Xoghayaha guud ee NATO Mark Rutte ayaa ku gacan seyray walaaca laga qabo ka bixitaanka Mareykanka ee isbaheysigaas wareysi uu bixiyay Sabtidii.
Wareysi uu siiyay wargeyska Jarmalka ka soo baxa ee Welt am Sonntag, Rutte waxa uu sheegay in uusanarkaynin in Mareykanka uu ka baxayo NATO, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo Yurub xooggan oo ka dhex jirta isbahaysi xooggan.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisad ka dhalatay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka cawday in xulafada reer Yurub aanay diyaar u ahayn inay taageeraan dagaalka ay kula jiraan Iran, waxaanu NATO ku tilmaamay Shabeel waraaqo ah, waxaanu sheegay inuu ka fiirsanayo inuu ka baxo isbahaysiga.
Trump ayaa si muuqata uga niyad jabay qaar ka mid ah xubnaha NATO, ayuu yiri Rutte, isagoo intaa ku daray inuu fahamsan yahay niyad-jabka madaxweynaha Mareykanka, wuxuuna dib u xaqiijiyay in hubka Nukliyeerka ee Mareykanka uu weli yahay “dammaanad qaadka ugu sarreeya” ee amniga Yurub.


