Google search engine
HomeWararka MaantaMidowga Afrika oo cambaareeyay Go’aanka Israel ee ku saabsan “Somaliland”

Midowga Afrika oo cambaareeyay Go’aanka Israel ee ku saabsan “Somaliland”

Sahan Media Muqdisho: Midowga Afrika ayaa walaac xooggan muujiyay, waxaanay si adag u cambaaraynayaan wararka ku saabsan go’aanka Israa’iil ay ergay diblomaasiyadeed ugu soo magacawday waxa loogu yeero “Somaliland”.

Guddigu wuxuu dib u xaqiijinayaa ixtiraamka aan kala go’a lahayn ee Midowga Afrika ee madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan Xeerka Dastuuriga ah ee Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah. Midawga Afrika Somaliland uma aqoonsana dal madax banaan.

Dib u xasuusinta war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii 1324-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ee 6-dii Janaayo 2026, Guddigu wuxuu hoosta ka xariiqayaa in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah ee Somaliland uu yahay mid aan waxba ka jirin, wuxuuna ka digayaa in tallaabooyinkan ay halis u yihiin inay wiiqaan xasilloonida gobolka.

Midowga Afrika waxaa ka go’an in uu taageero nabadda, dowladnimada, iyo wadajirka qaranka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments