Google search engine
HomeWararka MaantaTrump oo ka badbaaday dil

Trump oo ka badbaaday dil

Sahan Media Muqdisho: Nin hub sita ayaa si lama filaan ah u soo galay Hilton Hotel oo ay ka socotay casha sharafeedka wariyayaasha aqalka cad.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si degdeg ah masraxa ay uga saartay waaxda sirdoonka ka dib markii laga maqlay rasaas casho-sharafeedka wariyaasha Aqalka Cad ee Washington.

Madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo dhowr xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada Trump oo iyaguna goob joog ahaa ayaa si degdeg ah dibadda looga soo saaray xaruntaas.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Trump uu bad qabo, halka laba ilo ay sheegeen in Vance iyo madaxdii kale ay si nabad ah uga soo baxeen cashada. Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan maamulka.

Dhowr wakiil oo ka tirsan shaqaalaha sirdoonka ee Mareykanka ayaa ku qeyliyay ka carara ka dib “rasaas la riday” intii ay socotay munaasabadda, kaasoo lagu qabtay Washington Hilton, sida ay sheegayaan warbixinnada baraha bulshada.

Trump wuxuu la wadaagay baraha Bulshada in “toogasho dhacday lana qabtay shaqsigii toogashadaas gaystay” wuxuu ku amaanay ciidamada FBI da iyo saraakiisha fulinta sharciga “sida dhakhsaha iyo geesinimada leh ee ay uga hortageen falkaas.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments