Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenimadii xalay Qasriga Madaxtooyada Kulan wadatashi ah kula qaatay qeybo ka mid ah Aindheergaradka Puntland.
Kulanka ayaa looga tashaday xaaladda dalku galay iyo doorka Puntland, maadaama wakhtigii Baarlamaanka Soomaaliya uu dhammaaday 14-Kii April 2026, isla markaana muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya ay ka harsatahay 20 maalmood, iyadoo uusan jirin illaa iyo hadda wax-heshiis ah oo marxaladan looga gudbayo si ay dalka uga dhacdo Doorasho heshiis lagu yahay.
Wuxuu sheegay in beeluhu si madax banaan ay u soo xulan doonaan xildhibaanada ku matali doona Federaalka, islamarkaana aan isaga mar dambe lagu eedeeyn doonin faragelin.
“Waa ogahay in aad igu eedeeysaan waad na boobtay, hadeerba dadka u sheega ma faragelin doono kuraasta Baarlamaanka, qabiilada ayaa xulan doona ciddii ay rabaan, anigana mar dambe la iguma eedeeyn doono arinkaas” ayuu yiri madaxweyne Deni oo la hadlayay haldoor uu xalay kulan la qaatay.
Hadalka madaxweyne Deni ayaa yimid, xilli aysan jirin nooc doorasho oo heshiis lagu yahay, iyada oo xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka ay diidan yihiin doorasho dadban oo dowlad goboleedyada qaar rabaan iyo mida Federaalku wado ee qof & cod.


