Google search engine
HomeWararka MaantaKulankii dhaqanka Soomaaliyeed iyo Xasan sheekh oo loogu yeeray in uu talada...

Kulankii dhaqanka Soomaaliyeed iyo Xasan sheekh oo loogu yeeray in uu talada dhulka dhigo

Sahan Media Muqdisho: Qaar kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed ee maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo & qorshaha ay waddo Villa Somalia.

Qaar ka mid ah isimada ayaa u soo jeediyay madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud in uu talada dhulka dhigo, islamarkaana uu dalka ka badbaadiyo halista uu ku sii socdo.

Dhaqankaas waxaa ka mid ahaa Imaamka Mudullood Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Garaad Jaamac Garaad Cali, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Ugaaska Beesha Mareexaan Ugaas Maxamed Ugaas Kayse.

Isimada oo ka qaybgalay munaasabad casho sharaf ah oo ay ku maamuustay Madaxtooyadu ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu talada dhulka dhigo kana gaabsado qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhacda.

Imaamka guud ee Abgaal, Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam ayaa yiri,“Madaxweynow talo aan la wadaagin laguma tisqaadayo Madaxweyne, albaabkaaga waad xiratay, sidaasna waxba kuma soconayaan.”

Madaxwayne dadka iyo dalka meel fog baa laga keenay, wuxuu u baahan yahay waayeelnimo & si wada jir ah in loo wada tashado oo loo wada socdo, ma jiro jid kale”, Ayuu yiri Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah dhaqanka Puntland.

Dhankiisa Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in Madaxweynaha aan laga yeeli doonin wixii uu ka diidey Madaxweynihii kursiga uga horreeyey, uuna talada dadka ku soo celiyo,“Farmaajo wixii aad ka diidanayd maanta lagaa yeeli maayo, talada dhulka dhig.”

Ugaaska Marreexaan, Maxamed Ugaas Keyse oo la hadlayey MW Xasan Shiikh: “Talada dalka qofna keligiis iskama leh, adiga ayey dantaada tahay in aad talada dhulka dhigto.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments