Sahan Media Muqdisho: Sawirro ay sii daysay Wakaaladda Wararka ee Kuuriyada Waqooyi Abriil 26, 2026, ayaa muujinaya shaqaalo kormeeraya labada taangi ee waaweyn, iyagoo eegaya heerarka NATO ee ilaalinta (standards in protection), xakamaynta dabka ka dhasha taangiga gudihiisa (fire control), iyo badbaadada shaqaalaha (crew survivability).
Barashada nidaamyadan waxay ka baran karaan cusboonaysiinta qaabka hubka, hababka ama sida loo beegsado cadowga iyo adkeysiga goobta dagaalka (battlefield resilience), iyagoo la jaanqaadaya isbeddellada ballaaran ee casriyeynta hubka iyo ka hortagga horumarinta qalabka reer galbeedka.
Taangiyadan US M1A1 Abrams iyo German Leopard 2A4 ayaa ka mid ah taangiyada dagaalka ee reer galbeedka ee sida aadka ah loo geeyey UKrain, labadan Taangi M1A1 iyo Leopard 2 waxay wataan naqshadaynta casriga ah ee ay hadda isticmaalaan reer galbeedka.
Helitaanka taangiyadan dagaalka ee muhiimka ah, xitaa iyagoo aanan shaqaynin waxay u oggolaan kartaa injineerada Kuuriyada Waqooyi inay dib u sameeyaan qaab-dhismeedka iyo qaababka loogu qalabeeyo hubka, sidoo kale Fiiro gaar ah ayay u badan tahay in la siiyo dhismaha hubka lagu qalabayn doono.


