Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in millatariga Mareykanka uu si ku meel gaar ah u joojin doono “dagaalka Hormuz” si loo soo celiyo xorriyadda socodka maraakiibta ganacsi ee mara marinka Hormuz.
Trump waxa uu sheegay in go’aankan uu ku yimid codsi ka timid Pakistan iyo dalal kale, uuna daba socdo waxa uu ugu yeeray “guulaha militari ee baaxadda leh” intii lagu guda jiray ololihii Mareykanka ee ka dhanka ahaa Iran.
Waxaan si wadajir ah ugu heshiinay in xannibaadda ay Iran ku sii jiri doonto. Hakinta ashruuca Xoriyadda wuxuu noqon doonaa waqti gaaban. Waxaan hubunaynaa in heshiiska la dhamaystiri karo oo la saxeexi karo iyo in kale,” ayuu ku qoray bartiisa bulshada.
Xiisada gobolka ayaa sare u kacday tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen duqeymaha ka dhanka ah Iran 28-kii Febraayo, taasoo dhalisay aargoosi dhanka Tehraan ah iyo inuu khalkhal ku yimid marinka biyaha.
Xabbad joojin ayaa dhaqangashay 8-dii Abriil iyada oo loo marayo dhexdhexaadinta Pakistan, laakiin wadahadallada Islamabad ayaa lagu guuldareystay inay ka soo baxaan heshiis waara. Xabbad-joojinta ayaa markii dambe uu Trump kordhiyey iyada oo aan waqti la cayimin. Tan iyo 13-kii Abriil, Maraykanku waxa uu dhaqan geliyey go’doomin dhinaca badda ah oo lagu beegsanayo taraafikada badda Iran ee mara marin-biyoodka istiraatiijiga ah.
Sidoo kale talaadadii, Iran waxa ay soo saartay hannaan cusub oo lagu maamulayo marin-biyoodka Hormuz.


