HomeWararka MaantaDebretsion Gebremichael Oo Loo Dhaariyay Inuu Noqdo Madaxweynaha Tigray

Debretsion Gebremichael Oo Loo Dhaariyay Inuu Noqdo Madaxweynaha Tigray

Sahan Media Muqdisho: Golihii degaanka Tigray ee dagaalka ka hor oo shir u fariistay ayaa u magacaabay Debretsion Gebremichael in uu noqdo madaxweynaha gobolka Tigray.

Ilo wareedyo ku dhow kooxda TPLF ayaa sheegay in uu ahaa ee kalfadhigii lixaad ee golaha oo ay ku doorteen Debretsion Gebremichael inuu noqdo madaxweyne.

Kiros Hagos ayaa loo magacaabay afhayeenka halka Mihret Berhe loo magacaabay ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka.

Talaabadan ayaa timid iyadoo ay sii kordhayaan walaaca ay qabaan bulshada diblumaasiyadeed ee ku sugan Addis Ababa oo ay ku jiraan Midowga Yurub. Waxay walaac ka muujiyeen in talaabada TPLF ay dib usoo celin karto colaadda gobolka.

Maraykanka ayaa lasheegayaa in uu ku hawlanaa sidii uu madaxda TPLF uga dhaadhicin lahaa in aysan qaadin talaabooyin wax u dhimaya heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii dhiiga badan ku daatay ee ay kula jireen dawladda Faderaalka.

Xukuumadda federaalka ah ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed ayaan wax war ah ka soo saarin xaaladda Tigrayga.

Kooxda TPLF ayaa burisay heshiiskii Pretoria iyaga oo ka falcelinaya muddo kordhinta Tadesse Worede’s, oo isaga laftiisu xubin ka ahaa TPLF qabtayna xilka madaxwaynaha maamulka Kumeel gaarka ah ee Tigray.

TPLF Waxa ay sheegtay in muddo kordhintu ay jabineyso heshiiska maadaama tallaabada ay dowladda Federaalka ugu kordhisay Tadesse ay tahay “tallaabo hal dhinac ah”. Dowladda Federaalka ayaa ku doodaysa in ay xalaal ahayd.

Abera Nigus oo ah garyaqaan fadhigiisu yahay Addis Ababa kana soo jeeda qowmiyadda Tigreega, ayaa sheegay in labada tallaabo ee ay qaadeen TPLF iyo dawladda Faderaalkaba ay yihiin sharci-darro.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments