HomeWararka MaantaDalalka shisheeye oo loo sheegay inay dublamaasiyiinta ka daad gureeyaan caasimadda Ukraine

Dalalka shisheeye oo loo sheegay inay dublamaasiyiinta ka daad gureeyaan caasimadda Ukraine

Sahan Media Muqdisho: Ruushka ayaa Arbacadii ku booriyay dalalka shisheeye inay ka daadgureeyaan diblomaasiyiintooda iyo shaqaalahooda kale caasimadda Ukraine ee Kyiv sababo la xiriira weerarro aargoosi ah.

Hadal qoraal ah oo ay soo saartay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in warqad qoraal ah loo diray dhammaan ergada diblumaasiyadeed ee ajnabiga ah iyo xafiisyada wakiillada ee hay’adaha caalamiga ah.

Qoraalku waxa uu dib u xasuusiyay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca oo la sii daayay Isniintii, kaas oo lagu xusay hadal uu jeediyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy isla maalintaas.

Qoraalku wuxuu ku booriyay mas’uuliyiinta dalalka kala duwan iyo hoggaanka hay’adaha inay qaataan bayaanka Wasaaradda Difaaca oo ah daadgureynta diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha kale.

Qoraalku wuxuu soo xigtay xabadjoojintii lagu dhawaaqay 9ka May in uusan dagaal dhacayn, laakin haddii Ukraine ay fuliso weerarro inta lagu jiro dabaaldegyada Maalinta Guusha ee loo qorsheeyay May 9 ay jawaab ka bixin doonaan.

Khudbad uu ka jeediyay furitaankii shirweynaha 8-aad ee bulshada siyaasadda Yurub ee ka dhacay caasimadda Armenia ee Yerevan, Zelenskyy waxa uu sheegay in Ruushku uu ku dhawaaqay in ay Moscow ku qaban doonaan dhoola-tuska maalinta guusha ee 9-ka May iyada oo aan qalab milateri la socon.

“Haddii taasi dhacdo, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay muddo sannado ah, in Ruushku awoodin inay isticmaalaan qalab milatari, waxayna ka baqayaan in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay weeraraan Moscow,” ayuu yiri Zelenskyy.

29-kii Abriil, Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in qaybta qalabka milatariga ee waddanku aysan ka qayb qaadan doonin dhoola-tuska militariga sanadkan “xaaladda dagaal ee hadda jirta awgeed.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments