Sahan Media Muqdisho: Laamaha ammaanka ayaa si dhow u dabagalayay adeegsadeeyaasha iyo u dhaqdhaqaaqayaasha bulshada barahooda social media, talaabo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku tilmaameen weerar ka dhan ah xorriyada uu qofku leeyahay inuu hadlo.
Baxrayn iyo Kuwait, dadka la xiray waxa ay ka tirsan yihiin kooxo kala duwan oo ay kamid yihiin saxafiyiin, dad caan ka ah baraha bulshada, u dhaqdhaqaaqayaal xuquuqda aadanaha iyo muwaadiniinta caadiga ah.
Dalalkan ayaa sheegay dacwadaha lagu soo oogay shakhsiyaadkan ay kamid yihiin kicin kala qaybsanaan diimeed, in ay faafinayeen warbixino been abuur ah, si khalad ah oo ay isticmaaleen taleefoonada gacanta iyo ficilo kale oo khatar galinaya ammaanka qaranka.
Dhowr dal oo kamid ah kuwa gacanka Persia ayaa ka digay bilowga calood ka dhalanaysa iyo in la mamnuucay qaadista sawirada, muuqaalada iyo daabicida warbixino la xiriira weerarada Iiraan ee dalalkaasi.
Qoysaska kuwa la xiray ee Baxrayn iyo Kuwait ayaa sheegaya inay kala walaacsan yihiin in loo diido helitaanka maxkamada cadaalad ah iyo in laga xayuubiyo dhalashadii dalalkaasi ee ay haysteen.
Labadii bilood ee u dambaysay, tan iyo intii uu bilowday dagaalka Maraykanka-Israa’iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan, dalalka gacanka ayaa xirayay oo dacwad kusoo oogayay ama tarxiilayay dadka lagu soo eedeeyo inay daabacayaan warbixinada loo arko inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka.
Masuuliyiinta dalalkan ayaa u diiday inay qaataan racfaan cid kasta oo lagu helay dambi, waxaana ay xataa ka qaadayeen aqoonsiga dhalashada ee dalkaasi.
Baxrayn waxaa ay ka qaaday dhalashadooda 69 qof, wasiirka amniga gudaha Baxrayn ayaa yiri ”shakhsiyaadkan haystay dhalashada Baxrayn waxaa looga qaaday ammaanta iyo ficilada cadowga Iiraan ama inay muujinayeen taageerada Iiraan.”


