Sahan Media Muqdisho: Hogaamiyayaasha Soomaalida iyo Muslimiinta Minnesota ayaa ku baaqaya in la joojiyo wax ay ku tilmaameen hagardaamada iyo hanjabaadaha isa soo taraya, waxayna farta ku fiiqeen baska iskuulka ee gubay iyo fariimaha codka ah ee hanjabaada ah taasi oo cadeyn u ah in cadaawad naceybka Soomaalida ay sii kordhayso.
Sawirada baska iskuulka oo gubtay ayaa lagu soo bandhigay jimcihii Karmel Mall ee magaalada Minneapolis taasoo qeyb ka ah banaanbax dadweyne oo ay soo qaban qaabiyeen hogaamiyayaasha bulshada. Booliska Minneapolis ayaa sheegay in ay wali wadaan baaritaanka dabkaasi. Qofna ma saarnayn, qofna kuma dhaawacmin, sida ay booliisku sheegeen.
Hogaamiyayaasha bulshada ayaa sheegay in dabka basku uu yahay qayb ka mid ah qaabka ballaaran ee cunsirinimada ah. Waxa ay sheegeen in goobo ganacsi oo ay Soomaalidu leedahay ay heleen fariimo hanjabaad ah, isla markaana ay hooyooyinku ka baqayaan in carruurtooda lagu bartilmaameedsado goobaha waxbarashada.
Hal fariin cod ah oo goobta lagu reebay ayaa waxay ahayd sidan:”Muslimiinta qashin-qubka ah, dhammaantiin waad dhiman doontaan. Marka diyaar garooba.
Hogaamiyayaasha ayaa sheegay in jawiga cadaawadu uu sii xoogaystay ka dib duulaankii federaalku ku qaaday xanaanooyinka iyo xarumaha ilaha autismka oo looga shakiyay wax isdaba marin. Duulaanka ayaa yimid labo maalmood ka hor banaanbaxa Jimcaha.
“Carruurteena waxay mudan yihiin inay si nabad ah u raacaan basaska, qoysaskeena waxay mudan yihiin inay si ammaan ah u cibaadaystaan, ganacsigeenu wuxuu mudan yahay inuu u shaqeeyo si cabsi la’aan ah,” ayuu yiri Imaam Yuusuf Cabdulle, madaxa fulinta ee Jimciyadda Islaamka ee Waqooyiga Ameerika.
Hogaamiyayaasha bulshada ayaa sheegay in ay taageerayaan isla xisaabtanka ayna doonayaan in qaladka la baaro.


