Sahan Media Muqdisho: Diyaaradii ugu horeysay oo sidday sagaal qof oo tahriibayaal ah oo ka kala yimid wadamada Galbeedka Afrika ee ka timid dalka Mareykanka ayaa ka soo daagtay dalka Sierra Leone, taasoo noqoneysa dalkii ugu dambeeyay ee Afrikaan ah ee qaabila muhaajiriin laga soo eryay dalka Maraykanka.
Dadka ka soo degay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Freetown, ayaa waxaa ku jiray shan qof oo u dhashay Ghana, laba ka yimid Guinea, mid Senegal iyo mid kale oo ka yimid Nigeria, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Sierra Leone.
Dhammaantood waxay ahaayeen kuwo “naxsan sababtoo ah, in intooda badan waxay rabeen inay ku laabtaan dalkooda.
“Qaar ka mid ah dadka la tarxiilay waxaa laga xiray waddooyinka iyo goobtooda shaqada, halka mid kalena la xiray isagoo kubad ku ciyaaraya gudaha Mareykanka,” ayuu yiri Bah.
Waxaa la dejin doonaa hoteel, waxaana la filayaa inay dalalkooda ku laabtaan ugu dambeyn laba toddobaad gudahood, ayay raacisay.
Wasiirka arrimaha dibadda Timothy Musa Kabba ayaa Arbacadii warbaahinta u sheegay in dowladdu ay ogolaatay in ay qaabilaan muhaajiriinta muddo 90 maalmood ka hor inta aysan ku laaban dalalkooda, waxaana uu sheegay in heshiiska lagu taageerayo $1.5m oo deeq ah”si loogu daboolo kharashaadka bini’aadantinimada iyo hawlgelinta ee ku xiran heshiiskan”.
Maraykanku waxa uu heshiisyo masaafurin waddammo saddexaad ah la galay ugu yaraan siddeed waddan oo Afrikaan ah, qaar badan oo ka mid ah waxay ka mid yihiin waddamada ay sida adag u saamaysay siyaasadaha maamulka Trump ee xaddidaya ganacsiga, gargaarka iyo socdaalka.
Wadamada kale ee Afrikaanka ah ee lagu yaqaan inay heshiisyada saxeexaan ayaa kala ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Equatorial Guinea, South Sudan, Rwanda, Uganda, Eswatini, Ghana iyo Cameroon.
Freetown ma aysan sheegin in tanaasulaad kale lagu heshiiyey iyo in kale oo ku aadan Masaafuriinta.
Human Rights Watch, iyada oo ku boorinaysa waddamada Afrika inay diidaan qaabilaadda qaxootigan, waxay ku doodday in siyaasadda Maraykanka ee Trump ay ku xadgudbayso sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha”.


