HomeWararka DibaddaRa'isalwasaarahii Senegal oo shaqada laga eryay

Ra’isalwasaarahii Senegal oo shaqada laga eryay

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa shaqada ka eryay Ra’iisal Wasaare Ousmane Sonko Jimcihii, wuxuuna kala diray dowladda, sida lagu sheegay war laga sii daayay telefishinka dowladda.

“Alhamdulillah Alle ayaa mahad oo dhan iska leh caawa, waxaan ku seexan doonaa qalbi fudud magaalada Keur Gorgui” ayuu yiri raisalwasaaraha shaqada laga cayriyay.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday.

Go’aankan ayaa yimid ka dib bilo ay sii xoogaysanaysay xiisada u dhaxaysa Faye iyo Sonko, oo mar ahaan jiray xulafo siyaasadeed oo aad isugu dhawaa oo ka tirsan ururka PASTEF (African Patriots of Senegal for Work, Ethics and Fraternity), xisbiga talada haya ee talada la wareegay 2024. Xiriirka ayaa la sheegay inuu sii xumaaday iyada oo ay jiraan khilaafyo ku saabsan xakamaynta xisbiyada, maamulka iyo siyaasadda dhaqaalaha.

Faye ayaa ugu dambeyntii adeegsaday awoodiisa dastuuriga ah si uu xilka uga qaado Sonko, isagoo sabab uga dhigay baahida loo qabo ilaalinta xasiloonida qaranka, sida ay sheegayaan xogta la hayo.

Go’aanka Faye ayaa kala diraya xukuumadda, isagoo shaqada ka ceyriyay dhammaan wasiirrada, sida lagu sheegay qoraal uu akhriyay Oumar Samba Ba, oo ah xoghayaha guud ee xafiiska Faye. “Xubnaha xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ayaa mas’uul ka ah maaraynta arrimaha taagan,” ayuu yiri Ba. Madaxweynaha ayaa maalmaha soo socda soo magacaabi doona Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumad cusub.

Sonko waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaare Abriil 2, 2024, saacado kadib markii Faye loo caleemasaaray madaxweyne. Markii loo arkay inuu yahay lataliye-siyaasadeed, labada hoggaamiye ayaa aakhirkii kala fogaaday ka dib markii uu xafiiltanka ka dhex jira dhaqdhaqaaqa talada haya uu sii xoogaystay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments