Sahan Media Muqdisho: Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa shaaciyey in hay’adihii dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galeen marxalad kala guur ah, isla markaana ay dhammaatay sharciyaddii ay ku matalayeen shacabka Soomaaliyeed. Puntland ayaa sheegtay in inta laga qabanayo doorasho heshiis lagu yahay oo lagu soo dooranayo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, loo baahan yahay in la xaddido wada shaqeynta lala yeesho hay’adaha Federaalka.
Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah iyo deeq bixiyeyaasha inay si toos ah ula shaqeeyaan Puntland ilaa laga helayo hay’ado Federaal ah oo leh sharciyad lagu wada heshiiyey. Puntland waxay arrintan ku tilmaantay mid looga gol leeyahay ilaalinta hannaanka dowladnimo iyo dastuurka dalka.
Dhanka kale, Golaha Xukuumadda Puntland ayaa cambaareeyey waxa ay ku sheegtay caga juglayn, xarig iyo barakicin lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay sheegtay inuu masuul ka yahay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday waxgaradka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu ilaalinayo dowladnimada Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Dowladda Puntland ayaa uga mahadcelisay Beesha Caalamka taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada xasiloonida iyo dowlad dhiska, iyadoo shacabka Puntland ee gudaha iyo dibadda ugu baaqday inay muujiyaan midnimo iyo wadajir si looga gudbo xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka ka jirta.


